Dowladdaha Ruushka Iyo Ukraine Oo Mar Kale Is-Dhaafsaday Maxaabiis Dagaal

0
167

Dowladdaha Ruushka Iyo Ukraine Oo Mar Kale Is-Dhaafsaday Maxaabiis Dagaal

Qeyb kale oo Maxaabiis ayey Ruushka iyo Ukraine isweydaarsadeen sabtidii shalay oo lagu soo beegay bilashada sanadka cusub ee 2023-ka tirsiga Taariikhda Miilaadiyada.

Qoraal uu Andriy Yermak oo ah Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Ukraine Andriy dhigay Barta Telegram ayuu ku sheegay inay Ruushka soo daayeen 140 Maxaabiis reer Ukraine ah, kuwaasi oo dib ugu soo qabtay dalkooda.

Maxaabiistaasi ayaa waxay kala ahaayeen 132 rag iyo 8 haween, kuwaasi oo ku dhaawacmay, lana qabtay xilligii ay difaacayeen magaalada Mariupol iyo Jesiirada Zmiyiny island.

Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa waxay shaacisay in la soo daayey 82 Askar Ruushiyaan ah, kuwaasi oo Maxaabiis u ahaa Ukraine.

Hadal-qoraal oo ay Wasaaradda Difaaca Ruushka soo saartay ayaa lagu sheegay in wada-xaajood laga galay Maxaabiista la isweydaarsaday oo lagu soo beegay sanadka cusub ee 2023-ka.

Isweydaarsiga Maxaabista labada dhinac waa kii 3-aad ee bishan oo keliya la sii daayey, , iyadoo bishan 6-dii la sii daayey 60 askar Ukraine ah, halka bishan 6-dii iyagana la sii daayey 50 Askar Ruushiyaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here