Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Madaxweyne C/Fitaax Al-Siisi?

0
155

Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Madaxweyne C/Fitaax Al-Siisi?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Algiers ee dalka Algeria Madaxweynaha dowladda Masar Cabdulfataax Al-siisi.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga warbixiyay dhiggiisa dalka Masar howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobalada dalka iyo dadaalada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xasilinta deegaanada laga qabsaday Al-shabaab, si dadka ku nool ay u helaan adeegyada aasaasiga ah ee bulshada ayaa xoojiyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya lagu taageero dagaalka ay uga soo horjeeddo Shabaabka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale kala hadlay Madaxweynaha Masar saameynta daran ee abaaraha iyo isbedelka cimiladu ay u geysteen shacabka Soomaaliyeed, taas oo sababtay in tiro badan oo shacab ah ay ka barakacaan deegaanadii ay ku noolaayeen, kuwaas oo u baahan gargaar bani’aadannimo.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi ayaa soo dhaweeyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, Waxa uuna muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi oo balan qaaday in ay Soomaaliya ka caawin doonaan dhanka cunayarida si kaalmo loo gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameyeen ayaa intaas raaciyay in ay shirka soo socda ee cimilada ee ka dhacaya Masar ay cod ugu noqon doonaan Soomaaliya sidii uu caalamku ugu baraarugi lahaa saameynta isbedelka cimiladu ku yeelatay Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here