Madaxweyne Joe Biden Oo Digniin Kasoo Saaray Doorasho Ka Dhaceysa Mareykanka

0
173

Madaxweyne Joe Biden Oo Digniin Kasoo Saaray Doorasho Ka Dhaceysa Mareykanka

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Joe Biden ayaa uga digay musharrixiinta diida in laga guulaysto doorashada xilliga dhexe ee toddobaadka soo socda ay qaranka u horseedi karaan wadadii fowdada.

Mr Biden oo la hadlay taleefishinka qaranka ayaa ku booriyay dadka Mareykanka inay u midoobaan mucaaradka doonaya in rabshado siyaasadeed ay u adeegsadaan codbixinta 8 November.

Biden, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Donald Trump iyo taageerayaashiisa ay ka ganacsanayaan beenta shirqoolka iyo xumaanta,halka Jamhuuriyinta ay tilmaameen in Biden uu doonayay inuu kala qaybiyo oo uu leexiyo fikirka xisbiga.

Waxaa la saadaalinayaa in xisbiga Jamhuuriga ay ku guuleysan doonaan xukunka Aqalka Wakiilada, halka Aqalka Senetka aan la ogeyn xaaladda uu ku dambeyn karo

Todobaadka soo socda ayaa la filayaa in dalka Mareykanka ay ka bilaabato tartanka loo galayo doorashada xilligga dhexe ,taas oo lagu dooran doono labada aqal ee Congress-ka , gudoomiyaasha gobolada iyo tan golayaasha deegaanka..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here