Muxuu yahay kiiska Imran Khan uu ku muteysan karo Xabsi?

0
265
APP66-170721 BAGH AJK: July 17 - Prime Minister Imran Khan addressing a public gathering at Bagh Azad Jammu & Kashmir. APP

Muxuu yahay kiiska Imran Khan uu ku muteysan karo Xabsi?

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan ayaa lagu soo oogay kiis ah in uu sameeyay “Ixtiraam Darro” kaddib markii uu u hanjabay garoose Haweeney ah, haddii kiiskaan lagu helo waxa uu Imran Khan muteysanayaa xabsi 6 bil ah oo ah ciqaabta fal dambiyaadkaas.

Khan oo ay ku dul hagoogan yihiin culeys uga imaanaya Xukuumadda waxaa ugu darsamay in uu cadaadis kala kulmayo laamaha ammaanka oo dhowaan ku eedeeyay in uu halis ku yahay amniga maadaama uu dadka kicinayo.

69 jirkaan xafiiska looga eryay codka Kalsoonida Baarlamaanka ayaa sugaya go’aan maxkamadda sare ee Islambad ay soosaareyso 22ka September 2022 oo haddii uu u dhaco sida la hadal hayo xabsi geli doonna.

Imran Khan ayaa ku dooday in uu fasax dastuur u heysto in uu abaabulo dibadbax nabadeed oo uu ku muujinayo awooddiisa siyaasadda balse hay’adaha amniga oo ka gows heysta madaxda xafiiska joogta ee diidan dhaqdhaqaaqiisa ayaa sharci darro ku tilmaamay arrintaan.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan oo doonaya in uu dib uga soo kabto dhaawaca siyaasadeed ee kasoo gaaray kalsoonidii uu ku waayay Baarlamaankiisa ayaa billaabay abaabulka Doorashada dhexe ee Xisbigiisa oo uu natiijo wanaagsan ka helay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here