Muuse Biixi: “Kulliyadda Siyaasadda inoo fura, buuqa siyaasadeed ee socda waa ii banneey & kuu banneen maayo”.

0
265

Muuse Biixi: “Kulliyadda Siyaasadda inoo fura, buuqa siyaasadeed ee socda waa ii banneey & kuu banneen maayo”.

Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Somaliland ay u baahan yahay in laga hirgeliyo Kulliyad lagu barto Siyaasadda gaar ahaan hoggaanka si xal loogu helo buuqa siyaasadeed ee salkiisu yahay Doorashooyinka.

Biixi waxa uu eedeyn u jeediyay Jaamacadaha isaga oo sheegay in aanay jirin kulliyad ka fakireysa siyaasiyiinta heysta derajooyinka kala duwan si ay xeendaab ugu noqoto siyaasigana u helo dhabbe uu raaco.

“Maalin kasta waxa aan dhahaa war inoo fura Faculty-tiga Siyaasadda gaar ahaan tii hoggaanka talada waayo waxa aynu wadno oo dhan ee PHD ah, Caafimaad ama waxaas oo dhan haddii aan la hoggaamin waxa aynu ku jirin sas” Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu dhaliilay qorshaha Ardayda waxbarashada dhammeystay ay ugu fasaxaan in ay shaqooyin raadsadaan, dhaqaalaha looga qaaday Waxbarashadooda ayuu sheegay Muuse Biixi in ay ku jiraan Bangiyo.

Buuqa siyaasadeed ee ka dhaxeeya Xukuumadda uu hoggaamiyaha u yahay & Xisbiyada Mucaaradka ayuu ku tilmaamay in uu salkiisa kursiga uu ku fadhiyo oo la iska riixanayo sida uu hadalka u dhigay Muuse Biixi Cabdi.

“Ardayda waala soosaarayaa markaasaa la leeyahay shaqo la geeyo, intee shaqo looga keenayaa haddii raggii fakiray lacagihii ay dhigteen baananka fog-fog, waxa aan leeyahay waxbaa ka dhimanee soosaariya, waxa aan ku jirnaa sanadkii buuqa & siyaasadda mid baan kusoo koobayaa oo waxa uu salka ku hayaa (Ii banneey & kuu banneen maayi)” Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa difaacay go’aanka uu ku diidan yahay in Doorashada ku waqtiyaysan 13ka November 2022 keliya ay galaan saddexda Xisbi ee kala ah Kulmiye oo talada haya, Waddani & UCID oo Mucaarad ah.

“Waxaa lagu heshiiyay in tobankii sano mar la furo Axsaabta, fursaddaas markii la waday waxa aan kamid ahaa Dadka diidan oo ku doodayay in aanay weli nala ictiraafin oo dastuurkeenu qabyo yahay, Marka saddex Xisbi 15 sano dadka hortaagnaadaan waalanacayaa” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani & UCID ayaa ku dooday in ay qasab tahay in Doorashada Somaliland dhacdo 13ka November 2022, Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu qabsoomidda Doorashadaas ku xiray in la ballaariyo Axsaabta & Ururada Siyaasadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here