Shiinaha oo xal u raadinaya wax ka qabashada Abaarta ka dhalatay isbaddelka cimilada.

0
176

Shiinaha oo xal u raadinaya wax ka qabashada Abaarta ka dhalatay isbaddelka cimilada.

Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa dedaal xooggan ugu jirta wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhashay Abaar ku dhufatay qaybo badan oo dalkaas ah loona badinayo in ay ka dhalatay isbaddelka cimilada & kulka dunida kusii kordhaya.

Shiinaha oo safka hore uga jira waddamada dhaqaalaha heysta ayaa ku biiray dalal la dhibaatoonaya abaarta oo waxaa sii guraya (Biyaha kasii dhammaanayaan) meelaha biyaha Dowladdu ugu talagashay si tamar looga sameeyo.

Ma Jun oo ah Madaxa xarunta Deegaanka ee fadhigeedu yahay Beijing ayaa sheegay in Qorshahaan uu dhabar-jab ku noqon karo haddii aan xal degdeg ah loo helin aragtida fog ee 2030 iyo 2060ka ee Dowladda Shiinaha sii diyaarsatay.

Waxa uu sheegay in dhibaatooyinkaan loo tirinayo warshadaha badan ee dhulka xad-dhaafka ah sii deynaya, is baddelka cimiladana uu yahay dhibaatada xalkeeda ay ku mashquulsan waddamo badan oo dhaqaale badan heysta.

“Tani waa xusuusinta is baddelka Carbon (Kaarboon), waa mid dhaawac u geysan karta Yoolkeena 2030 & 2060 maadaama tamartu ay tahay waxa ugu weyn ee la wada eegayo uguna horreeya in xal loo helo haddii caqabad timaado” Ma Jun ayaa u sheegay Aljazeera.

Shirar aan tira-koob lahayn ayaa lagu soo bandhigay saameynta taban ee laga dhaxli karo Isbaddelka Cimilada oo ubucda ugu weyn ay tahay Warshadaha sii kordhaya ee Caaqa (Qiiqa) badan sii deynaya ee sii kordhinaya kuleelka badan ee jira.

Shiinaha & waddamada kale ee la dhibaateysan saameynta is baddelka Cimilada ayaa marar badan indhaha ka xirtay qodobka lagu yareynayo Warshadaha iyaga oo ka eegay dhanka faaiidooyinka ay ka helayaan waxsoosaarkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here