Booliska Kenya oo xiray Dalxiiseyaal ka dawarsanaya waddooyinka magaalada Mombasa.

0
189

Booliska Kenya oo xiray Dalxiiseyaal ka dawarsanaya waddooyinka magaalada Mombasa.

Booliska magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa xabsiga u taxaabay 40 qof oo Urdun u dhashay kaddib marki lagu helay iyaga oo gudaha dalka Kenya ka dawarsanaya.

Dadka uu booliska Kenya xiray oo ka kooban 40 qof oo isugu jira 19 qof oo waaweyn iyo 21 carruur ah ayaa dalka Kenya ku soo galay fiisaha dalxiiska.

Warkan oo aan ka soo xigannay warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegaya dadka la xiray oo magaalada Mombasa u tagay qaab dalxiis in la arkay iyaga oo waddooyinka magaalada taagan oo ka dawarsanaya.

Taliyaha booliska degmada Mavita, Maxwell Agoro wuxuu sheegay inay dadkaas xireen kaddib markii ay xog ka heleen dadka deegaanka.

“Markii uu boolisku dadkaas soo xireen kaddib waxay u galbiyeen saldhigga dhexe si su’aalo loo weydiiyo. Waxaa lagu helay inay ka hor imaanayaan dal-ku-galka ay haysteen iyagoo isku beddelay kuwo dawarsada oo aan ahayn dalxiisayaal,” ayuu yiri Maxwell Agoro mar uu warbaahinta la hadlayay.

Agoro oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in baaritaanno horudhac ah oo la sameeyay lagu ogaaday in 40-ka qof ay ku sii jeedeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, waxaana uu sheegay in ay u dawarsanayeen si ay dhaqaale ugu uruursadaan safarkooda.

Dadkaas ajaanibta ah ayaa loo gudbin doonaa Laanta Socdaalka dalka si loo sii hubiyo.

Ajaanib badan ayaa gudaha dalka Kenya ka dawarsata, hase yeeshee, wararku waxa ay sheegayaan dad fiiso dalxiis dalka ku soo galay oo dawarsi ku dhaqaaqa inay ugu horreeyaan muwaaddiniintan Urdun.

Isha: BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here