Ilhaan Cumar Oo Ka Hadashay Sababta Keetay Inay Xiraan Booliska Mareykanka

0
296

Ilhaan Cumar Oo Ka Hadashay Sababta Keetay Inay Xiraan Booliska Mareykanka


HomeWarar
Ilhaan Cumar Oo Ka Hadashay Sababta Keetay Inay Xiraan Booliska Mareykanka
On Jul 20, 2022

Share
Ugu yaraan 17 xubnood oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee Congress-ka Mareykanka ayaa la xiray, xilli ay ka qeyb galayeen mudaaharaad ay ku taageerayeen xuquuqda ilmo iska soo rididda kaasi oo ka dhacay Washington DC. Alexandria Ocasio-Cortez,

Rashida Tlaib iyo Ilhaan Cumar ayaa ka mid ahaa dadka lagu xiray xilli ay dibadbax ka dhigayeen meel u dhaw Maxkamadda Sare. qoraal ay barteeda Tweetar-ka soo dhigtay ayay Ilhaan ku xaqiijisay xarigeeda.

“Maanta waxa la i xiray aniga oo ka qayb qaadanaya dibadbax shacab, waxaa la xiray aniga iyo xubnaha kale ee Congress-ka ka tirsan meel ka baxsan Maxkamadda Sare,” ayay Ilhaan ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda Tweerar-ka.

Ilhaan Cumar oo ka mid ah Congreska Mareykanka ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in ay sii wadi doonto dadaalka ay ugu jirto inay haweenka Mareykanka helaan xaq ay caruurta isaga soo ridi karaan.

“Waxaan sii wadi doonaa inaan sameeyo wax kasta oo aan awoodo si aan u kiciyo qaylo dhaanta ku saabsan weerarka lagu hayo xuquuqdeena dhanka taranka!”, ayay intaa ku dartay.

Muuqaal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa la arkayay Ilhaan Cumar iyo xildhibaano kale oo iska dhigaya sida in garba-duub loo xiray islamarkana dibadbax ka dhigaya afafka hore ee maxkamada sare.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ka mid ah xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ee sida wayn ugu ololeynaya in dumarka xaq loo siiyo in ay ilmaha iska soo ridaan. Booliska Mareykanka ayaa dhankooda xaqiijiyay inay xireen 35 qof oo ay ku jiraan 17 xubnood oo ka tirsan aqalka Congress-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here