Daqiiqado Yar Ka Dib Markii Uu Dhacay Arooskooda Ayey Labadoodiiba Dhinteen

0
267

Daqiiqado Yar Ka Dib Markii Uu Dhacay Arooskooda Ayey Labadoodiiba Dhinteen

Lamaane kasoo jeeda gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa geeriyooday daqiiqado uun ka dib markii ay dhacday xafladdii arooskooda, sida uu tabiyay wargeyska New York Times.

Harley Morgan wali wuxuu xirnaa jaakaddii madoobeyd ee uu xafladda arooska ku tagay, sidoo kale xaaskiisa cusubeyd ee Rhiannon Boudreaux iyaduna waxay xirneyd taajkii arooska.

Lamaanahan oo isjeclaa ilaa yaraantoodii ayaa ku geeriyooday qoyskooda hortooda, ka dib markii uu gaarigii ay saarnaayeen ku dhacay gaari weyn oo xowli ku socday.
Morgan, oo ahaa 19 jir iyo Boudreaux oo ahayd 20 jir ayaa ku dhintay isla goobta uu shilku ka dhacay.

Keith Longlois oo ah sarkaal ka tirsan booliska ismaamulka Orange ayaa yiri: “Qoysku waxay socdeen lamaanaha gadaashooda. Dhammaantood waxay u socdeen meesha niyadooda ku jirtay, maadaama uu dhacay meherka lamaanaha”.

Wuxuu sarkaalkan sheegay in aroosadda cusub iyo seygeeda ay “xiriir jacayl lahaayeen ilaa yaraantoodii”, waxayna ugu dambeyn go’aan ku gaareen inay isku guursadaan xarunta caddaaladda ee ismaamulka Orange.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in ninka arooska ah uu gaariga kasii bixinayay albaabka goobtii uu arooska ka dhacay, uuna doonayay inuu galo waddo weyn oo aad u mashquul badan.

Gaari xamuul ah oo jiidayay rimoor, isla markaana waday baldoosar aad u culus ayaa ku dhacay gaarigii ay saarnaayeen lamaanaha, sida uu sarkaalku xaqiijiyay.

Dad goob joogeyaal ahaa ayaa sheegay in gaariga arooska uu dhowr jeer rogmaday, ka hor inta uusan god ku dhicin.

Darawalkii gaariga weyn lama shaacinin magaciisa, balse Mr Longlois ayaa sheegay inuu hadda socdo baaritaan la xiriira dhacdadaas musiibada ah.

Ma jirin wax astaan ah oo muujineysa in gaariga weyn uu khaladka lahaa.

Hase ahaatee, waxaa darawalka lagu sameyn doonaa baaritaanno la xiriira inuu maandooriye soo isticmaalay.

“Halkaas ayaan joogay, waxaana daawanayay labadeyda carruurta ah oo dhimanaya”, sidaas waxaa tiri hooyada dhashay ninka arooska ahaa, oo lagu magacaabo LaShawna Morgan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here