Haween, Carruur & Dad da’ ah oo laga saaray Magaalada Mariupol.

0
438

Haween, Carruur & Dad da’ ah oo laga saaray Magaalada Mariupol.

Magaalada xeebta leh ee Mariupol waxaa laga daadgureeyay Haween, Carruur iyo Dad Da’ ah oo muddo bil ah ku go’doonsanaa kaddib markii Ciidanka Ruushka xoogga saareen gacan ku dhigista Magaaladaas.

Mashruuc Qaramada Midoobay diyaariyay oo ka dhashay socdaalka xoghayaha guud QM Antonio Guterres ku tagay Kyiv ayaa fursad u noqday boqolaal ruux oo ku dhex jiray deegaannada ay isku hor fadhiyaan labada ciidan.

Wajiga 3aad ee Daadgureynta Dadka ku xayiran Warshadda Birta oo ah goobta ugu adag oo ay difaacyada xooggan ka dhisteen Ciidanka Ukraine ayaa lagu qaaday Haween, Carruur iyo Dad da’ ah oo awoodi waayay in ay ka dhex baxaan dhinacyada iska soo horjeeda.

Sarkaal katirsan Dowladda Ukraine ayaa sheegay in fursaddaan ay badbaado u tahay qoysaska welwelka ka qabay gantaallada culus ee dhanka Ruushka uga imaanaya si ay uga fogaadaan guuldarrada kasoo gaartay duullaanka dalkiisa uu ku qaaday.

Ruushka iyo Ukraine ayaa guullo ka kala sheegtay dagaallo xooggan oo dhacay Magaalada Xeebta leh ee Mariupol, askarta Kyiv ayaa xooggooda isugu geeyay Warshadda Birta halka kuwa Moscow ay hareereeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here