Burundi oo sheegtay in 30 Askari ay uga geeriyootay Deegaanka Ceel-Baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

0
438
African Union Mission in Somalia (AMISOM) peacekeepers from Burundi patrol after fighting between insurgents and government soldiers erupted on the outskirts of Mogadishu in this May 22, 2012 file photo. REUTERS/Feisal Omar/Files TPX IMAGES OF THE DAY - GF10000363645

Burundi oo sheegtay in 30 Askari ay uga geeriyootay Deegaanka Ceel-Baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sarkaal katirsan Dowladda Burundi oo faah-faahin ka bixiyay khasaaraha askarta dalkiisa ka socda ee ku howlgalla ATMIS kasoo gaaray dagaal 3dii May 2022 ka dhacay deegaanka Ceel-Baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe DG Hir-Shabeelle.

Sarkaalkaan oo aan sheegin magaciisa iyo derajadiisa ayaa wakaaladda Wararka AFP u sheegay in ay dagaalkaas ay uga dhinteen 30 Askari, dhaawaca waa 22 halka nolol & geeri lagu waayay tiro askar ah oo uusan shaacin qadarkooda.

Diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca ee (Helicopter) loo yaqaan ayaa lagu raadinayaa Ciidamada u dhashay Burundi ee la waayay, waxaana loo badinayaa in ay galeen howdka u dhaw Xeradooda Al-Shabaab ku weerartay.

Sarkaal katirsan Dowladda Burundi ayaa sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday lagu qiyaasay 400 ruux, taasi ayaa muujinaya baaxadda iyo qorshaha duullaankaan oo ah mid lasoo abaabulay.

Al-Shabaab oo soo bandhigtay sawirrada Askar kamid ah Ciidanka Burundi oo ku geeriyooday weerarka iyo xerada oo burbur xooggan soo gaaray waxa ay khasaaraha ku sheegtay in ugu yaraan ay dishay 173 askari.

Waa weerarkii labaad ee ugu khasaaraha badnaa Ciidamada Midowga Afrika ay ku qaado Xarakada Al-Shabaab, dagaalkii kan ka horreeyay ayaa lagu beegsaday Xero Ciidanka Kenya ku leeyihiin Deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo 15 January 2016-kii.

Xiligaas Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay magacyada saraakiil katirsan Ciidanka KDF iyo muuqaalka ciidamo ay ku qabteen Nolosha oo ehelkooda iyo Dowladdooda u diray fariin ku saabsan sida loo qabtay iyo askarta u dhashay dalkooda isaga baxaan Soomaaliya.

Saraakiil katirsan Dowladda Kenya ayaa dagaalamayaasha weeraray waxa ay xiligaas ku sheegeen in ay gaarayeen 150 ilaa 300 oo dagaalame oo intooda badan xirnaa Walxaha qarxa, weerarkaas ayay sanad weliba xusuustaan Ciidanka KDF-ta.

Isha: AFP / BBC Somali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here