2 Askar ayaa ku dhimatay, 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii rasaas isku weydaarsadeen Muqdisho.

0
251

2 Askar ayaa ku dhimatay, 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii rasaas isku weydaarsadeen Muqdisho.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhashay iska hor imaad maanta ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhexmaray qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Rasaasta oo muddo kooban socotay ayaa laga maqlayay xaafado ka tirsan degmada Wadajir, taas oo cabsi ku beertay dadka deegaanka. Inta la xaqiijiyay 2 Askari ayaa ku geeriyootay 2 kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa sheegaya in askarta dhimatay iyo kuwa dhaawacmay ay yihiin dad qaraabo ah, gaar ahaana ilmo adeer

Sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka dagaalka ayaa yimid kadib markii uu muran ka dhashay guri uu ka dhistay mid ka mid ah Askarta ku dagaalamay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Laamaha ammaanka ee dowladda ayaan weli faah faahin ka bixin sababta rasmiga ah ee ka dambeysay khilaafkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here