Sheekh Aadan Madoobe Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegau Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

0
307

Sheekh Aadan Madoobe Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegau Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamanka 11-aad Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta kulankiisa ugu horeeyey shir guddomiyey, waxaana uu xilka kala wareegay Guddomiyihii hore Baarlamankii 10-aad Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulan ka hadlaayay ayaa waxaa uu sheegay in Ajendaha kulanka Maanta kaliya uu ahaa xil-wareejinta xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isla markaana wixii Ajendayaal iyo shaqooyin kale ah ay kulamo kale ka yeelan doonaan.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka u fasaxay maalmaha Ciidul fitriga, wuxuuna tilmaamay in kal-fadhiga Baarlamaanka  la isugu soo laaban doono 4-ta bisha May, si loo soo amba qaado shaqooyinka horyaalla Golaha oo ay ugu horreeyso doorashada Madaxweynaha Jahuuriyadda Federaalka.

Sidoo kale Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in uusan koox gaar ah aheyn, isla markaana ay matelayaa Baarlamaanka, oo wixii qalalaad ah ay jira la sixci doono Ciidda, kadib oo dib la isugu soo laaba doono kulamada Baarlamaanka.

Kulanka ayaa waxa goob ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Cabdullahi Cumar Abshirow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here