Militariga Guinea Oo Shaaciyay Waqtiga Ay Dib Ugu Celinayaan Xukunka Gacanta Rayidka

0
423

Militariga Guinea Oo Shaaciyay Waqtiga Ay Dib Ugu Celinayaan Xukunka Gacanta Rayidka

Korneyl Mamady Doumbouya oo ah Madaxa Ciidamada Militariga ee dalka Guinea ayaa sheegay inuu go’aansaday in illaa 39 bilood lagu soo afjaro wakhtiga kala guurka ah, si xukunka dib loogu celiyo gacanta dadka rayidka ah.

Korneylka ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyey telefiishanka, isaga oo sheegay in golaha qaran ee ku meel gaadhka ahi inay soo jeedintan horgeyn doonaan golaha baarlamaanka.

Ku dhawaaqistan ayaa timid ka dib markii la abuuray wax uu talisku ku tilmaamay “qaab la tashi loo dhan yahay” bishii Abriil, taas oo ku soo dhamaatay shir ay qaadaceen ama ku gacan saydheen dhawr kooxo siyaasadeed oo caan ka ah dalkaas.

Jimcihii, waxaa dowladda ay u badan yihiin ciidamadu ay sheegtay in madasha oo tixgalineysa arrintan inay ay qaateen in xilliga kala guurku uu noqdo 18 illaa 52 bilood.

Ciidamada militariga ee haya talada dalka Guinea ayaa weydiistay ururka dhaqaalaha galbeedka Afrika ee ECOWAS inay u kordhiyaan wakhtiga kama dambaysta ah ee ay tahay in la soo saaro jadwalka kala guurka, si ay u dhamaystiraan wada-tashiyada socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here