Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Ka Hadlay Weerarkii Gaalkacyo

0
380

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Ka Hadlay Weerarkii Gaalkacyo

Iyadoo Xalay Ciidamo ka tirsan Booliska Mudug ay weerarku qaadeen guri ay ku sugnaayeen Wasiirka arrimamaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid iyo Mas.uuliyiin kale ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Waxaa uu sheegay in Guddi ka hawlgala baarista iyo u kuurgalidda shaqaaqadaas uu u saari doono, sidoo kalena Baarista ka dib, cid kasta oo falkaas  ku lugyeelata  lagu qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

Hoos ka akhriso Qoraalka Madaxweyne ku Xigeenka

Waxaan ka tacsiyaynayaa  shaqaadada ka dhacday caawa Gobolka Mudug gaar ahaan Degmada Gaalkacyo, waxaan Eebe Janatul Fardowsa u waydiinayaa askarigii ku nafwaayey, inta  ku dhaawacantayna waxaan u rajaynayaa in Eebbe u booga-dhayo oo uu ugu horeeyo Nabadoon Yaasiin Cabdisamad iyo Taliye ku xigeenka qaybta Gobolka Mudug.

Waxaan aad uga xumahay dhacdadan liddiga ku ah nabadgelyada iyo xasiloonida Gobolka iyo kan Degmada,sababtayna dhaawaca iyo dhimashada muwaadiniin reer Puntland ah.

Waxaan u magacabayaa Guddi ka hawlgasha baarista iyo u kuurgalidda shaqaaqadaas.

Baaris ka dib, cid kasta oo falkaas  ku lugyeelata  waxaa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here