Dowladda Hindiya Oo Ka Carootay Tallaabo Ay Qaadday Ilhaan Cumar

0
221

Dowladda Hindiya Oo Ka Carootay Tallaabo Ay Qaadday Ilhaan Cumar

Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congress-ka ee Maraykanka ayaa booqasho ku tagtay gobolka Kashmir qaybta ay maamusho Pakistan, waxayna ballan qaadday inay Washington ku riixi doonto inay fiiro gaar ah siiso gobolka lagu muransan yahay, hase ahaatee arrintaasi waxaa si weyn uga cadhootay dalka Hindiya oo dhaleecaysay.

Ilhaan Cumar ayaa weriyayaasha kula hadashay Muzaffarabad oo ay xarunta maamulka Kashmir qaybta Pakistan, ka dib markii ay booqasho naadir ah ku tagtay iyadoo ah xildhibaan ka tirsan aqalka Congresska Maraykanka.

“Ma rumaysni in arrinta [Kashmir] looga hadlo sidii loo baahnaa Congresska dhexdiida iyo xataa dawladda[Mareykanka] dhexdeeda,” ayay tidhi Ilhaan Cumar, ka dib markii ay booqatay Khadka military-gu maamulo ama xadka kala qaybiya gobolka Kishmiir qaybta ay Hindiya maamusho iyo qaybta ay Pakistan ay gacanta ku hayso.

Ilhaan Cumar oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya, ayaa ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga ee haatan haya talada dalka Maraykanka, waxay u safartay dalka Pakistan si ay kulamo ula qaadato madaxda sare ee dalkaas.

“Arrinta ku saabsan Kashmir, waxaan hore ugaga hadalnay kulan ay yeesheen guddida arrimaha debedda [ee Congressku] si aan u eegno xaaladda xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee halkaas ka jira” ayay tidhi Ilhaan Cumar oo warbaahinta la hadashay.

Hindiya ayaa beenisay eedaha muddada dheer socday ee la xidhiidh xad-gudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhaca qaybta ay maamusho. Hindiya ayaa la sheegaa inay gacan adag ku maamusho gobolkan iyada oo xakameeya inay gudaha u galaan goobjoogaasha ajnebiga ahi oo ay ku jiraan kuwa Qaramada Midoobay.

Hindiya ayaa si degdeg ah u cambaaraysay booqashada ay Ilhaan Cumar ku tagtay gobolka Kashmir qaybta ay Pakistan maamusho.

“Waxaan ogaanay inay [Ilhaan] booqatay qayb ka mid ah dhulka midowga Hindiya… oo ay hadda si sharci darro ah u haysato Pakistan,” sidaas waxaa sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee Hindiya Arindam Bagchi oo shir jaraa’id qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here