Madaxweynaha Iraan Ibrahim Raisi Oo Digiin U Diray Israa’iil

0
452

Madaxweynaha Iraan Ibrahim Raisi Oo Digiin U Diray Israa’iil

Madaxweynaha Iiraan Ibrahim Raisi ayaa cambaareeyay in caadi laga dhigo xiriirka dalalka Carabta iyo Israa’iil wuxuuna Israa’iil uga digay arrintaas.

Raisi ayaa xiriirka Carabta iyo Israa’iil ku soo hadal qaaday xilli uu ka hadlayay dhoollatus militari oo lagu qabtay caasimadda Tehran, oo lagu xusayay maalinta ciidamada dalkaas.

Isagoo Israa’iil digniin u jeedinaya ayaa wuxuu yiri, “Haddii Israaiil ay dooneyso inay caadi ka dhigto xiriirka dalalka qaar, markaas way ogtahay in ficilladeeda ugu yar aysan annaga naga qarsooneyn.

“Haddii ay khalad sameeyaan, waxaan si toos ah u weerari doonnaa maamulka Yahuudda quwadda ciidamadeennana uma oggolaaneyso inay nabad ku joogaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here