Diiwaangelinta Musharixiinta guddoonka BFS oo maanta ka billaabaneysa Muqdisho.

0
398

Diiwaangelinta Musharixiinta guddoonka BFS oo maanta ka billaabaneysa Muqdisho.

Muqdisho waxaa maanta ka billaabaneysa Diiwaangelinta Musharixiinta u tartameysa Guddoomiyaha Aqalka Sare, Golaha Shacabka iyo ku xigeennadooda sida uu sheegay Guddiga BFS u qaabilsan Doorashada Guddoonka Baarlamaanka 11aad.

Tiro musharixiinta ah oo katirsan Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka ayaa shaaciyay in ay u taagan yihiin qabashada Guddoomiyaha Aqalkaas, ku xigeenkiisa 1aad iyo 2aad diyaarna u yihiin ay tartan u galaan qabashada xilkaas.

Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka ayaa dhankooda isu soo taagay Guddoominta Golahaas sida qabashada Guddoomiyaha, ku xigeenkiisa 1aad iyo 2aad, waxaana lagu wadaa in ay loolan u galaan xilalkaas.

Guddiga Doorashooyinka u qaabilsan Golayaasha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa sheegay in maanta oo ah 19-ka April 2022 uu billaabayo diiwaangelinta musharixiinta damaca ka leh xilalka ay rabaan in ay qabtaan.

Musharixiinta ayaa laga doonayaa in ay bixiyaan lacagaha ku xusan diiwaangelinta, gudbinta sooyaalkooda iyo isu diyaarinta doorashada la filayo in ay dhacdo 26ka April & 27ka April 2022 oo la kala dooran doono Guddoonka labada Gole BFS.

La soco wixii kasoo kordha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here