Turkiga Oo Soo Nooleeyay Hab Qadiimi Ah Oo Cusmaaniyiinta u Tukan Jireen Salaada Taraawiixda

0
617

Turkiga Oo Soo Nooleeyay Hab Qadiimi Ah Oo Cusmaaniyiinta u Tukan Jireen Salaada Taraawiixda

Kadib ku dhawaad 2 qarni oo uu meesha ka baxay qaabkan loo tukado salaadda taraawiixda, Waaxda arrimaha diinta ee dalka Turkiga ayaa go’aansatay sanadkan in dib loo soo nooleeyo hannaankii ‘Andron’ ee lagu gudan jiray salaadda taraawiixda ee bisha Ramadaan.

Tallaabadan waxay ku soo beegantay xilli dib loo furay masaajidda lagu tukado salaadda Jimcaha iyo Taraawiixda, iyadoo muddo labo sano ah uu cibaadadu saameeyay xayiraadda ka hortagga faafitaanka cudurka Corona.

Waaxda arrimaha diinta Turkiga ayaa soo saartay go’aankan xilli noloshu ay si caadi ah kusoo laabtay si loo soo nooleeyo dhaqankan qadiimiga ah, kaas oo caan ka ahaa daaraha waaweyn ee saldanaddii Cusmaaniyiinta tan iyo bilowgii qarnigii sagaalaad.

Waxaana habkan qaddiimiga ah ee ‘Andron’ lagu yaqaanay daarihii khilaafadii Cusmaaniyiinta xilligga salaadda taraawiixda, waxaana salaaddan la tukan jiray maalmo gaar ah, waxaana saddexda rakacadood ee ugu horreysay lagu oogi jiray mowlaca Isfahan halka Imaamka uu rakacadii afaraad u wareegi jiray mowlaca dhalinyarada ee masjidka Aayaa Soofiya halka mu’adinka uu akhrin jiray nashiido iyo saliga Nebiga xilligga lagu sugan yahay mowlaca ‘Saba’.

Imaamka 4tii rakcadoodba wuxuu u kala wareegaa mowlacyada, wuxuu istaagaya halka uu istaago mua’dinka, marka uu dhameeyo salaadda waxaa la akhrinaya nashiido iyo salliga Nebiga, kadib marka la tukado Witirka waxaa la akhrinaya adkaarta iyo tasbiixda, sida uu BBC-da uu u sheegay , mua’dinka masjidka Aayaa Soofiya, Shukro Assilirin.
Assilirin waxa uu sheegay in nidaamkan uu soo jiidanayo tobanaan kun oo qof oo cibaadeysanyo bisha Ramadaan, kuwaas oo u yimid inay u soo tukadaan salaadda taraawiixda ee lagu tukanayo dhismaha taariikhiga ah markii ugu horreysay sanadkan muddo 88 sano ah kadib markii bishii July sanadkii 2020 lasoo saaray amar ah in matxafka Aayaa Soofiya loo baddalo masaajid.

Imaamku waxa uu tilmaamay in salaadda ‘Andron’ ee lagu tukanayey Aayaa Soofiya la bilaabay bisha Ramadaan iyadoo lagu tukado Jimcaha, Sabtida iyo Axadda iyo toddobaad kasta.

Saaladdan ayaa marka wuxuu qofka ku tukanaya mowlacyada Xijaas iyo Sika oo ka tirsan Aayaa Soofiya, waxaa lagu duceystaa mowlacyadood dhexdooda afartii rakacadoodba, waxaana halkaas lagu soo bandhiggaa qasiidooyin.

Aayaa Soofiya waxa dhistay imbiraadooriyadii Baysantayn 1500 oo sano ka hor waagaas oo magaalada Istanbul ee uu dhismahani ku yaal la oran jiray Constantinople.

Waxa uu dhismuhu ahaa muddo dheer kaniisad weyn, hase yeeshee waxa ay imbiraadooriyadii Cismaaniyiintu gacanta ku dhigtay magaaladii Constantinople ee uu ku yaallay cah-digii uu Maxamed Al-Faatix markii taariikhdu ahayd 29 May 1453.

Suldan Maxamed Al-Faatix ayaa markii dambe ka dhigay goobta masaajid weyn oo dib ayaa loo dayac tiray dhismaha waxaana lagu daray dhisme cusub oo mixraab xaga qiblada ah. Laakiin quruxdiisa iyo qaab dhismeedkiisii guud waxba lagama bedelin ee waa la sii bilay.

Waxaa Suldaanku u xilsaaray farshaxankii ugu xirfadda badnaa waagaa in ay ku sharraxaan dhismaha qoraallo aayado Qur’aan ah oo inta badan ah waxyaabaha lagu yaqaan in lagu qurxiyo masaajidada.

Dad fara badan ayaa haatan salaadda ku tukadaa masjidka Aayaa Soofiya kuwaas oo isugu jiro rag iyo dumarba,

Maxamed Kaya, oo 40 jir ah, ayaa sheegay inuu rajaynayay inuu ku tukado gudaha masaajidka, balse uu isku dayi jiray inuu goor hore yimaado si uu u galo.

Kaya waxa uu sheegay in uusan u malaynaynin in Salaadii Cusmaaniyiinta ay ka duwan tahay tii uu tukan jiray xilliyadii hore ee Ramadaan, waxaa uu sheegay in habka loo tukado Taraawiixda ee ‘Andron’ uu dadka ka dhigo sida in aad ku nooshahay jawi iimaan iyo cibaado leh oo aan horey loo dareemin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here