Wararkii Ugu Dambeeyey Dabkii Khasaaro Farabadan Dhaliyey ee Ka Kacay Suuqa Ugu Weyn Magaalada Hargeysa

0
693

Wararkii Ugu Dambeeyey Dabkii Khasaaro Farabadan Dhaliyey ee Ka Kacay Suuqa Ugu Weyn Magaalada Hargeysa

Dab khasaaro farabadan dhaliyey ayaa xalay ilaa iyo saaka ka ololaya Suuqa ugu weyn Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, kaasi oo baabi’iyey goobo Ganacsi oo ku yaallay Suuqaas, waxaana kasoo baxaya Dabka faah faahino dheeraad ah.

Dabkaan ayaa Suuqa Hargeysa ka bilowday fiidnimadii xalay, wuxuuna kusii faafay qeybo kamid ah Suuqa, isla markaana waxaa adkaatay deminta dabka oo aad u xoogan, iyadoona Dabka uu weli ka ololayo Suuqa, kuna sii fidayo meelo hor leh.

Gaadiidka dab demiska Somaliland iyo Gaadiid kale oo gurmad ahaan dowlad deegaanka Soomaalida ugu soo dirtay Somaliland ayaa ku howlan deminta dabkaas oo saacado badan qaatay demintiisa, waxaana socda gurmadyo kala duwan oo la sameeynayo.

Goobo Ganacsi oo aad u farabadan ayuu dabka ka kacay Suuqa Magaalada Hargeysa baabi’iyey, iyadoona dabka ay ku baabe’een in ka badan 25 Xarumo Ganacsi oo ku yaalla Suuqa, sida ay warbaahinta u sheegeen Mas’uuliyiin kala  duwan oo ka tirsan Somaliland.

Hawada Sare ee Magaalada Hargeysa ayaa laga arkayaa Qaac iyo uuro madow oo ka baxeysa Suuqa gubanaya, waxaana socda gurmadyo xoogan oo lagu deminayo dabkaas oo aan weli la ogeyn sababta dhalisay, in kastoo loo sameeynayo koronto inay sababtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here