DAAWO : ” Hal Milyan Dollar Ayaan Siin doonaa Dadkii Hantidoodu Ku Wayey Dabkii Suuqa Hargeisa” Madaxwayne Muuse Biixi.

0
487

DAAWO : ” Hal Milyan Dollar Ayaan Siin doonaa Dadkii Hantidoodu Ku Wayey Dabkii Suuqa Hargeisa” Madaxwayne Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay Dabkii xooganaa ee xalay ilaa iyo saaka ka ololayey Suuqa ugu weyn ee Magaalada Hargeysa ee Somaliland, dabkaas oo socday in ka badan 10 saacadood.

Madaxweyne Bixii oo warbaahinta kula hadlay gudaha Suuqa gubtay ayaa waxaa uu sheegay in dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ay ku baaba’day hanti gaareeysa maalaayiin dollar oo ay lahaayeen Dad Ganacsato oo Suuqa Hargeysa goobo Ganacsi ku lahaa.

Madaxweynaha Somaliland ayaa xaqiijiyay in 28 qof oo 9 kamid ah Haween yihiin ay ku dhaawacmeen dabka, isla markaana la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo, isagoo xusay in dhaawacyada aysan aheyn kuwo daran.

Dadka waxyeelada kasoo gaartay Dabka ayuu Madaxweyne Muuse Biixi sheegay inay ahaayeen dadkii ugu horreeyay ee gurmadka bilaabay, ayna ku jiraan Ganacsato, wuxuuna Alle uga baryey in dadkii ku hanti waayay Dabka uu bedel kheyr qabo siiyo.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Somaliland ayaa tilmaamay in Xukuumadda ay bilaabeyso gurmadyo loo sameeynayo dadkii ku hanti waayay Dabka ka kacay Suuqa Haegeysa, isla markaana uu isaga hal Milyan oo dollar siin doono dadka Dabka hantidooda ku gubatay.

HOOS KA DAAWO HADALKA MADAXWAYNAHA :

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here