Madaxwayne Farmaajo Oo Ka Hadlay Dabka Ka Kacay Suuqa Wayn Ee Hargeysa Kuna Baaqay In La Isku gurmado

0
429

Madaxwayne Farmaajo Oo Ka Hadlay Dabka Ka Kacay Suuqa Wayn Ee Hargeysa Kuna Baaqay In La Isku gurmado

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka murugaysan khasaaraha dabkii caawa ka kacay suuqa weyn ee magaalada Hargaysa ayaa Alle uga baryey in uu u booga dhayo dadkii ku waxyeeloobay dabkaas.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda hantidooda ku waayey masiibadan, isaga oo xusay xaaladda abaareed ee uu dalka ku jiro iyo duruufaha dhaqaalaha ee dunidu ay la tacaalayso.

“Waxaan murugada la qeybsanayaa walaalaha ganacsatada ah ee dabka ka kacay suuqa Hargaysa uu galaaftay hantidooda, waxaan fadliga bisha Ramadaan awgeed Alle uga baryayaa in uu ka siiyo beddel ka khayr badan hantida halkaas kaga gubatay.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed in ay maalmahan barakaysan awgood ugu hiiliyaan walaalahooda dhibtu soo gaartay, lana garab istaagaan duco iyo taakuleyn inta ay karaan.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here