Madaxweyne Saciid Deni Oo Mar Kale Magacaabay Mas’uuliyiin Cusub.

0
314

Madaxweyne Saciid Deni Oo Mar Kale Magacaabay Mas’uuliyiin Cusub.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar iyo Hogaanka Ilaalada Cashuuraha ee Ciidanka Booliska.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa u qornayd sida tan:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 22 ee 31ka March 2022 kuna saabsan Magacaabis Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka karkaar iyo Hogaanka Ilaalada Cashuuraha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda    Ciidanimo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar iyo Hogaanka Ilaalada Cashuuraha ee Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Puntland

Markuu la tashtay: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabid

  1. Waxaa G/sare Cabdiwaaxid Cabdille Warsame loo magacaabay Hogaanka Ilaalada Cashuuraha ee Ciidanka Booliska Puntland.
  2. Waxaa G/sare Cabdirisaaq Faarax Warsame loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here