Maxay tahay Sababta Liiska Xildhibaanada Cusub Looga Reebay Fahad Yasiin?

0
366

Maxay tahay Sababta Liiska Xildhibaanada Cusub Looga Reebay Fahad Yasiin?

Guddiga Doorashada Heer Federaal ayaa caawa ku dhawaaqay natiijada kuraasta Baarlmaanka 11aad ee labada aqal, waxaana liiska ka maqan kuraas horay loo doortay,kuwaasi oo aan lagu soo darin kuwa la shaaciyay.

Warqad kasoo baxday Guddiga dooarshada ayaa lagu shaaciyay Liiska Xildhibaannada laga soo doortay dowlad Goboleedyada, waxaana laga waayay Liiska Fahad Yaasiin Taliyihii hore NISA oo horay kursigiisa uu hakiyay Guddiga FEIT.

Sidoo kale kuraas kale ayaa ka maqan Xubnaha la shaaciyay kuwaasi oo Guddigu ay ka reebeen, horayna loo sheegay in aan loo marin hannaanka saxda ah ee doorashooyinka.

Guddiga Doorashada Heer Federaal ee FEIT iyo Xoghayayaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare  ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay natiijada doorashada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee ka dhacday Shanta Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here