RW Rooble Oo Shaaciyay Inuu Hayo Caddeymo Lagu Ogaan Karo Dadkii Ka Dambeeyay Dilkii Xil. Aamina Cabdi.

0
302

RW Rooble Oo Shaaciyay Inuu Hayo Caddeymo Lagu Ogaan Karo Dadkii Ka Dambeeyay Dilkii Xil. Aamina Cabdi.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Xalay ka qayb galay kulan duco ah oo loo sameeynayay Xildhibaanaddii dhawaan lagu qarxiyay Magaalada Baladweyne Aamina Maxamed Cabdi ayaa ayaa daaha ka qaaday arrimo dhowr ah oo quseeya dilkii loogaystay Marxuumadda.

Rooble oo wajigiisa laga dheehan karay tiiraanyo iyo murugo ayaa carrabka ku dhuftay dhowr waxyaabood oo ifi-faalo iyo raadraac u noqon kara kiiska Alle ha u naxariistee Xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu horreyn ku dheeraaday sidii Marxuumad Aamina ay go’aan ugu gaartay caddaalad u helidda Ikraan Tahliil faarax, oo ahayd Sarkaalad ka tirsanayd Hay’adda Nabad Sudidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, taasi oo ilaa iyo hadda la tuhun-san yahay in ay ku baxday gacanta Hay’adda NISA, waxaana uu si gaara u xusay in isaga iyo Marxuumad Aamina ay isku mowqif ka ahaayeen Kiiska Ikraan, ilaa iyo haddana uu ku taagan yahay go’aankiisii ahaa Cadaalad u helidda marxuumadda looga shakisan yahay in ay ku maqan tahay gacanta dadkii ay la shaqeynaysay.

Waxaa intaa dheer oo uu ku dheeraaday Rooble Kiiska ku aaddan Qaraxii dhawaan lagu qaarijiyay Xildhibaanad Aamina,  isagoo sheegay in uu aaminsan yahay in Marxuumaddu ay dileen dadkii horay u dilay Ikraan Tahliil.

“Waxaan aaminsanhay in Aamina ay gacan ka gardaran ay dishay, taasi oo ah gacantii ka dambeysay dilkii ikraah Tahliil faarax” ayuu yiri Mr Rooble.

Rooble ayaa intaa kadib carrabka ku dhuftay hadal waji u cusub u yeelaya kiiska Xildhibanad Aamina Maxamed Cabdi, isagoo shaaciyay in uu hayo farriimo kaga yimid shaqsiyaad, kuwaasi oo loogu hanjabay in la dili doono Aamina iyo mas’uuliyiin kale oo u tarmaysay Kuraas taalla Baladweyne, waxaana si gaar ah farriimaha loo soo diray ay quseeyeen Kusriga marxuumadda la dilay, kaasi oo furay Rooble si loogu tartamo.

“Waxaa isoo wacay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ay is-khilaafeen Guddoomiyaha Guddiga doorashada Hirshabeelle, kaasi oo doonayay in kuraasta ay u xirnaato, dad gooni ahna lasiiyo, Waxaana uu Cali Guudlaawe doonayay in Ninkaasi la beddalo, garab ayaana ku siiyay beddalitaankiisa, balse isla markiiba waxaa isoo dhacday farriin la iigu hanjabay in la dhibaatayn doono Cali Guudlaawe iyo dadka uu madaxweynaha u yahay, sidoo kale aniga ayaa la iigu hanjabay, waaana hayaa farriintii la isoo diray, kiiska Aaamino Maxamed cabdi Waan u dhimanaa, waana u dhimanaa” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.

Ugu dambeyntii waxaa uu shaaciyay Rooble in dadkii ka dambeeyay dilka Xildhibaanad Aamina dadkii soo abaabulay dilkeeda in ay noolyihiin, kuwaasi oo uu sheegay in ay qarash ku bixiyeen dilka marxuumadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here