Madaxweyne Siciid Deni Oo Magacabay Wasiiro Cusub.

0
307

Madaxweyne Siciid Deni Oo Magacabay Wasiiro Cusub.

Qoraal goor dhow kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayuu madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ku magacabay wasiiro cusub oo buuxinaya boosas ay baneynayaan xubno ka mid noqday Golaha Shacabka iyo kuwa kale oo u isku bedelay.

 

Wareegtada kasoo baxday xafiiska Deni ayaa u qorneyd sidan:-

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 19 ee 30ka March 2022 kuna saabsan magacaabid iyo isku bedel xubnaha Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhammaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn leh ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday: Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabidda iyo isku bedelka xubnaha Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo ka kooban, Wasiiro, Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiru Dowlayaal, waxayna kala yihiin:-

  1. Isku bedel Wasiiro:
  2. Waxaa Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha.
  3. Waxaa Cabdullaahi Cabdi Xirsi loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka
  4. Waxaa Axmed Shire Siciid loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Beeraha

 

Magacaabid:

  1. Waxaa Jamaal Carab Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga.
  2. Waxaa Dr. Naciimo Cabdiraxmaan Guuleed loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska.
  3. Waxaa Dr. Caarshe Maxamed Siciid Aw-muuse loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha.
  4. Waxaa Maxamed Cabdullaahi Axmed (Libaaxe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
  5. Waxaa Cabdalle Cali Maxamed (Xashaawe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga.

 

  1. T) Wasiir Kuxigeeno :

 

Bedel

  1. Waxaa Faa’iso Cali Ismaciil loo bedelaya Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Beeraha

 

Magacaabid :

  1. Waxaa Laylo Cabdi Cali loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka
  2. Waxaa Aamino Maxamed Cabdullaahi loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Haweenka
  3. Waxaa Cali Cumar Caarshe loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda
  4. Waxaa Mukhtaar Cabdisalaan Suleymaan loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada
  5. Waxaa Qaasim Maxamed Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Dekeddaha
  6. Waxaa Cabduqaadir Maxamed Suleymaan loo magacaabay Wasiirk Kuxigeenka Wasaaradda Tamarta

 

  1. J) Wasiiru Dowlayaal :

 

  1. Waxaa Shaakir Maxamed Guuleed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorshaynta
  2. Waxaa Axmed Maxamuud Maxamed (Barile) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha
  3. Waxaa Nuur Sheikh Daahir Sheikh Nuur loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha
  4. Waxaa Axmed Ibraamin Cawaale loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
  5. Waxaa Cabdinaasir Aadan Gows loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda
  6. Waxaa Mustafe Cabdifitaax Maxamed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
  7. Waxaa Cabdiqani Maxamed Cabdi Ciise loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga
  8. Waxaa Yuusuf Axmed Maxamuud (Barre Faatax) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha
  9. Waxaa Maxamuud Ismaaciil Jaamac (Ciyoon) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta.

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here