Xukuumadda Oo War Kasoo Saartay Xaalada Muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Dalka Ukraine.

0
505

Xukuumadda Oo War Kasoo Saartay Xaalada Muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Dalka Ukraine.

Wasaaradda Arrimaha dibadda XFS oo war kasoo saarta7 xaalada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka Ukraine.

Waxaa la helayaa Xog dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Ukraine, kuwaasi oo ay saameyn ku yeesheen dagaalada ka socda dalkaasi.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay  in ku dhawaaqdo 348 muwaadin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa gudaha dalka Ukraine iyo soohdintiisa oo qaarkood caddaymo la’aan ahaa la soo badbaadiyay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale shegtay inay fududeysay in 65 arday lagu meeleeyo xarumaha tacliinta sare ee dalka Hungary, kadib markii ay ka diiwaan geliyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya arrimaha ay danaynayeen.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku boorrinaysa ardayda Soomaaliyeed ee iska diiwaan gelisay inay wax ka bartaan dalka Ukrain, isla markaana xiisaynaya inay waxbarashadooda sare ka sii wataan meel ka baxsan dalka Ukraine inay is-diiwaangeliyaan iyagoo buuxinaya foomka hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here