Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Shil Ka Dhacay Magaalada Burco.

0
331

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Shil Ka Dhacay Magaalada Burco.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Shil khasaaro gaystay oo Saaka ka dhacay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ee degaanada Somaliland.

Shilka ayaa ka dambeeyay kadib markii ay isku dhaceen Mooto iyo Gaari weyn, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhawaac, iyadoo burbur xooggan uu soo gaaray mootada.

Wararkii aynu helayno waxaa ay sheegayaan in Seddex qof oo shacab ah ay ku geeriyoodeen Shikaasi, waxaana ku dhaawacmay ilaa iyo afar ruux,kuwaasi oo laga dayrinayo xaaladdooda caafimaad.

Goobta uu shilku ka dhacay ayaa ahayd waddo aad u mashquul badneyd, waxaana sarriwo lasoo qaaday ay muujinayaan burbur aad u xooggan oo gaaray Mooto Bajaajta shilka gashay, taasi oo ay isku dhaceen sida lasoo sheegayo gaari Booyad ah.

Shilka ayaa si gaar ah uga dhacay agagaraka hotel-ka Isha Burco ee magaalada Burco, waxaana haatan socdo dadaalo loogu gurmanayo dadkii ku dhaawacmay shilkaasi.

Goobta uu shilku ka dhacay waxaa gaaray Ciidanka Somaliland, kuwaasi oo baaritaanno kuwada sababta rasmiga ah eek a dambeeyay shilkaasi Khasaaraha dhaliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here