Shacabka Mareynka oo 90% ka cabsi qaba in Ruushka uu Ukraine u adeegsado hubka wax gumaada.

0
342

Shacabka Mareynka oo 90% ka cabsi qaba in Ruushka uu Ukraine u adeegsado hubka wax gumaada.

Xilli uu meel adag marayo duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine, ayaa ra’yi ururin laga qaaday shacabka Maraykanka waxa ay muujiyeen walaacooda ugu weyn ee ku aaddan dagaalka.

Ku dhawaad kala bar dadka ka qeyb qaatay ra’yi ururinta ayaa sheegay in cabsidooda ugu weyn ay tahay in Maraykanka uu si toos ah ula dagaallamo Ruushka, taasina ay horseedo in xukuumadda Moscow ay hubka nukliyeerka ku rido magaalooyinkooda, sida lagu ogaaday codeyntaas ay samaysay xarunta cilmi-baarista NORC ee ka tirsan wakaaladda wararka ee Associated Press.

Qiyaastii 90% dadka ka qeyb qaatay ra’yi ururinta ayaa rumaysan in Ruushka uu hubka wax gumaada u adeegsan doono Ukraine. Halka 71% dadkaas ay sheegeen in duullaanka Ruushka uu sare u qaaday suuragalnimada ah in hubka nukliyeerka la isu adeegsado caalamka.

Cabsida ku aaddan dagaal caalami ah oo loo adeegsado hubka nukliyeerka ayaa sanado badan ka dhex jirtay mujtamaca Maraykanka, waxaana jirta hay’ad samaysay barnaamij ay ugu magac dartay “Saacadda Qiyaamaha” oo tan iyo 1947 diwaangelinaysay heerka ay gaarsiisan tahay khatarta ah in hubkaas wax gumaado lagu isticmaalo daafaha caalamka.

Waagii uu meesha adag gaartay dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeet, gaar ahaan sanadkii 1983, waxaa dadweynaha Maraykanka haysatay cabsi ah in mar uun labada quwadood uu dhexmari doono dagaal nukliyeer ah.

Inta badan dadka ka qeyb qaatay ra’yi ururintan cusub ayaa walaac gaar ah ka muujiyay dagaal xulafaysi ku salaysan oo Ukraine ay lugaha la gasho, xitaa haddii aanu Maraykanka si toos ah ugu biirin colaadda hadda taagan.

Maalmo kadib markii uu bilowday duullaanka Ruushka, Madaxweyne Putin ayaa heegan sare galiyay ciidanka qaabilsan nukliyeerka dalkiisa, arrintaas oo dadka qaar ku xoojisay walaaca ku aaddan isticmaalka hubkaas khatarta ah.

Tan iyo markii uu Ruushka galay Ukraine, gaashaan buurta NATO iyo maamulka Biden ayaa si weyn uga fogaaday inay xaaladda gaarsiiyaan meel khatar ah, ama suuragalnimada ah in dagaal toos ah uu dhexmaro Moscow iyo gaashaan buurta.

Todobaad ka hor ayay ahayd markii afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov uu sheegay in haddii jiritaanka dalkiisa uu khatar galo ay markaas adeegsan doonaan hubka nukliyeerka.

Afhayeenka oo u warramay telefishinka CNN ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in Madaxweyne Putin aanu dagaalka Ukraine u adeegsan doonin hubka nukliyeerka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa 14-kii bishan sheegay in “suuragalnimada ah dagaal la isu adeegsado hubka nukliyeerka ay hadda tahay mid taagan”.

Guud ahaan caalamka, Ruushka ayaa leh madaxyada ugu badan ee hubka nukliyeerka, waxaana la sheegay in waddankaas uu haysto ku dhawaad 6,000 oo ah hubkaas wax gumaada.

Isha: BBC Somali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here