Ukraine Oo Shaacisay In Saraakiil Caan Ah Ruushka Looga Dilay Dagaalka Socda

0
446

Ukraine Oo Shaacisay In Saraakiil Caan Ah Ruushka Looga Dilay Dagaalka Socda.

Wasaaradda difaaca ee Ukraine ayaa sheegtay in Jeneraal Yakov Rezantsev uu ku dhintay duqeyn ka dhacday meel u dhow magaalada Kherson ee koonfurta dalka Ukraine.

Sarkaal reer galbeed ah ayaa sheegay in Rezantsev, oo ahaa taliyaha 49-aad ee ciidamada isku dhafka ah, uu ahaa Jeneraalkii toddobaad ee Ruushka ee lagu dilo Ukraine. Wuxuuna haystay darajada Sarreeye Guud, oo ah qofkii ugu darajada sarreeyey.

Waxaa la rumeysan yahay in niyad jabka ciidamada Ruushka uu ku qasbay saraakiishii sare inay u dhawaadaan jiida hore ee dagaalka.

Wadahadal ay dhagaysteen militariga Ukraine, ayaa askari Ruush ah wuxuu ka cawday in Rezantsev uu ku andacooday in dagaalku ku dhammaan doono saacado gudahood, afar maalmood uun ka dib markii uu bilaabmay.

Warbaahinta dalka Ukraine ayaa Jimcihii sheegtay in Rezantsev lagu dilay saldhigga ciidamada cirka ee Chornobayvka ee u dhow Kherson, kaas oo Ruushku u isticmaalo xarun talis, dhowr jeerna ay weerareen ciidamada Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here