Muuse Biixi: “Kenya & Guinea oo aan tagnay ayay Soomaaliya u jartay cilaaqaadka, waakaas Mareykanka ha u jaraan”

0
560

Muuse Biixi: “Kenya & Guinea oo aan tagnay ayay Soomaaliya u jartay cilaaqaadka, waakaas Mareykanka ha u jaraan”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Hargeysa kaddib safar uu todobaadyo ku joogay Mareykanka ayaa faah-faahin ka bixiyay waxyaabaha u qabsoomay iyo eedeyn uu u jeeday DFS.

Biixi ayaa tilmaamay in dib ugu laabashad Hargeysa ay ka dhigan tahay in natiijo wanaagsan oo mira-dhal ah kusoo gabagaboobay safarkii uu ku tagay Mareykanka oo dhinacyo kala duwan kula soo kulmay sida uu hadalka u dhigay.

Muuse Biixi, Madaxweynaha Somaliland ayaa DFS ku eedeeyay in ay xiriirka u jartay Kenya & Guinea oo uu safar ku tagay laguna soo dhaweeyay balse aanay ku dhicin in ay cilaaqaadka u jarto Mareykanka oo soo dhaweeyay sida uu yiri.

“Maalintii hore ee aan halkaan idinku imid ee aan Conakry ka imid ee cilaaqaadka qolada Xamar u goysay waxa aan ballanqaadnay innaga weynu wadeynaa, caalamka oo dhan waan tageynaa iyaguna tu weliba cilaaqaadka ha u jaraan, maantana Mareykanka ha u jaraan haddii ay ku dhacaayaan, Kenya waa iyaga u jarayee” Sidaasi waxaa yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa 20-kii Maarso Wareysi ay baahisay VOA oo uu uga hadlay safarkiisa Mareykanka ku sheegay in Somaliland & Mareykanka labo dhinac ay ka kala taagan yihiin ictiraafka.

Muuse Biixi Cabdi oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in Mareyanka iyo Somaliland labo meel oo kala fog ay ka kala taagan yihiin ictiraafka ay raadinayaan kaddib markii uu la kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo Dalkaas ah.

Madaxweyne Biixi ayaa tilmaamay in Dowladda Mareykanka ay ka caga-jiideyso aqoonsashada Somaliland oo uu ku sheegay in ay horumar ka sameysay dhinacyada Nabadgalyada, Horumarka iyo dimuqraadiyadda sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda Mareykanka waad ogtahay oo labo meelood baan kala taaganahay, innaga waxa nagu weyn ee aan Dad kala hadalno waa ictiraafka, iyaguna badankooda waxa ay leeyihiin waa arrin Afrika oo innaga waa nalaga leeyahay” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here