Mareynkanka, UK Iyo Canada Oo Cunaqabateyn Cusub Ku Soo Rogay Saraakiil Milateri.

0
413

Mareynkanka, UK Iyo Canada Oo Cunaqabateyn Cusub Ku Soo Rogay Saraakiil Milateri.

Dowladaha Maraykanka, UK iyo Canada ayaa cunaqabatayn cusub kusoo rogay Myanmar,kaasoo si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo saraakiisha sar sare ee militariga, oo ay ku jiraan taliyaha cusub ee loo magacaabay ciidamada cirka iyo kuwa lala xiriirinayo ka ganacsiga hubka.

Cunaqabateyn cusub ayaa jawaab u ah weerarrada arxan darada ah ee ay ciidamadu ku hayaan mucaaradka xukunka ka horjeeda.

Cunaqabateynta Mareykanka ayaa lagu bartilmaameedsaday saddex nin oo lagu eedeeyay inay ka ganacsanayeen hubka Myanmar iyo sidoo kale shirkado lala xiriiriyay.

“Waxaan qaadnay tillaabooyinkan maanta annagoo uga jawaabayna rabshadaha sii kordhaya ee taliska, si aan u muujinno taageerada xooggan ee aan u hayno dadka Burma, iyo inaan kor u qaadno isla xisaabtanka la xiriira afgambiga iyo rabshadaha uu wado talisku,” ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken.

Sidoo kale, Mr Blinken ayaa hadalkiisa intaas ku sii daray in ay sii wadi doonaan beegsiga nidaamka militariga iyo kuwa taageera ilaa ay ka joojinayaan rabshadaha ayna ka soo celinayaan dimuqraadiyadda Burma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here