Dagaal Khasaaro Dhaliyey Oo Dhexmaray Ciidamada Galmudug Iyo Kuwa Ahlusunna.

0
459

Dagaal Khasaaro Dhaliyey Oo Dhexmaray Ciidamada Galmudug Iyo Kuwa Ahlusunna.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saqdii dhexe ee xalay duleedka Waqooyi Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ku dhexmaray Ciidanka Maamulka Galmudug iyo Ciidamo taabacsan Ahlusunna looga adkaaday Galmudug.

Dagaalkan ayaa waxaa uu yimid, kadib markii Ciidamo ka tirsan Ahlusunna ay wada u galeen kolonyo ay wateen Ciidamo kamid ah kuwa Galmudug, xili ay socdaal ku marayeen deegaanka Bila-barri oo dhinaca waqooyi ka xiga Dhuusamareeb.

Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana dagaalkaas uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee Ciidamada Galmudug iyo Ahlusunna.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka uu ku dhaawacmay Taliye Muumin Ciise oo ah Sarkaalka hoggaaminayay Ciidamada Galmudug ee jidka loo galey, waxaana aaga uu dagaalka ka dhacay laga qaaday dhaawacyada Taliyaha iyo Askar kale.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Galmudug oo ay uga hadlayaan dagaalkaas khasaaraha dhaliyey ee labada dhinac ku dhexmaray deegaanka Bila-barri oo dhinaca waqooyi ka xiga Dhuusamareeb, Ahlusunna iyo Galmudug ayaa dhowr jeer ku dagaalamay  degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here