Sacuudiga Kaalin intee la eg ayuu ku leeyahay Hoos u dhaca Shidaalka?

0
437

Sacuudiga Kaalin intee la eg ayuu ku leeyahay Hoos u dhaca Shidaalka?

Sacuudiga ayaa iska fogeeyay in uu leeyahay mas’uuliyadda hoos u dhaca Shidaalka Suuqyada Caalamka wixii ka dambeeyay 24kii Febaraayo 2022 oo ah markii Duullaanka Ruushka uu ku qaaday waddanka Soohdin wadaagga ay yihiin ee Ukraine.

Sarkaal katirsan Sacuudiga oo aan magaciisa sheegin ayaa ku dooday in kooxaha Xuutiyiinta ah ee Yemen ay beegsadeen keydka iyo xarumaha Shidaalka Dalkiisa taasi oo hoos u dhigtay soosaarka shidaalka sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ka digay in saameyn taban laga dhaxli doonno haddii aan wax laga qaban weerarada Xuutiyiinta ay ku beegsanayaan Saldhigyada Saliidda Sacuudiga sida in uu yaraado waxsoosaarka, habeynta, Sifeynta & u diyaarinta in loo iib geeyo suuqyada Caalamka.

Amin Naasir oo ah maamulaha guud ee shirkadda Aramco oo ka hadlay dooddan ayaa sheegay in haddii aan laga hortagin oo ugu yaraan wadajir wax looga qaban xaaladaha cusub ee soo kordhay in shidaal la’aan dunida ay galeyso.

“Weerarada sii kordhaya waa arrin walaac badan reebtay, Caalamka waxa indhaha lagu wada hayaa waxa dhacaya iyo is baddellada Muuqda, haddii Xaalad cusub soo kororto waxaa suuragal ah in ay lasoo ifbaxdo saameyn ay ku yeelato shidaalka” ayuu yiri Madaxa Shirkadda Aramco.

Helista Shidaalka qiima jaban waa waxa ay u xusul-duubayaan dalal badan oo caalamka balse waxaa hirgelinta riyadaas hortaagan caqabadaha soo kordhay sida Dagaallada, Is baddelka Cimilada, Dhaqaalaha oo hoos u dhacay & saameynta daban ee laga dhaxlay xayiraadda Covid-19 sida ay ku doodeen qubarada ku shaqada leh arrimaha Shidaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here