Ruushka Oo Mar Kale Duqeymo Culus Ka Fuliyay Dalka Ukraine

0
449

Ruushka Oo Mar Kale Duqeymo Culus Ka Fuliyay Dalka Ukraine.

Maamulka dekadda ugu weyn Ukraine, ee Odessa, ayaa sheegay in ciidamada badda ee Ruushka ee ku sugan Badda Madow ay gantaallo la dhaceen dhismooyin la deggan yahay oo ku yaalla duleedka magaalada.

Waa markii ugu horreysay ee dhismooyinka halkaas la weeraro. Afhayeen u hadlay maamulka militariga gobolka ayaa sheegay in wax khasaaro ah aan la soo sheegin.

Duqa magaalada ayaa booqday deegaanka.

Ciidamada Ruushka ayaa go’doomiyay Odessa, balse waxaa joogsaday ciidamada dhanka galbeed magaalada uga soo galayay iyagoo dhulka maraya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here