Sheekh Reer Sool ah Oo Muxaadarro Jeedin U Tegay Magaalada Kismaayo Oo Qarax Lagu Dilay.

0
461

Sheekh Reer Sool ah Oo Muxaadarro Jeedin U Tegay Magaalada Kismaayo Oo Qarax Lagu Dilay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxya Qarax Khasaaro dhaliyay oo goordhaweyd ka dhacay magaalada Kismaayo ee Xarunta ku meel gaarka u ah maamul Goboleedka Jubblanad.

Wararkii ugu dambeeyay ee aynu Kismaayo ka helayno ayaa soo sheegaya in Qaraxa oo ahaa mid jugtiisa si weyn loo maqlay Magaalada uu ka dhacay Xaafadda calanley ee kismaayo.

Qaraxa ayaa la shegay in si gaar ah loola beegsaday Sheikh caan ah oo lagu magacaabo Cabdinaasir Xaaji Axmed, kaasi oo sida la sheegay gaarigiisa loogu xiray Qaraxa.

Alle ha u naxariistee Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo kamid ahaa culimada waa weyn ee Soomaalida, ayaa fadhigiisu waxaa uu ahaa magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, waxaana dhawan uu tagay magaalada Kismaayo.

Wali lama helin faah faahin intaas ka dheeri ah oo ku aaddan qaraxaasi, waxaana sidoo kale la ogayn, tirada dadka kale eek u waxyeeloobay Qaraxaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here