Afhayeenkii Xukuumada Macalimuu Oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho Iyo Soo Dhaweyn Loo Sameeyay

0
295

Afhayeenkii Xukuumada Macalimuu Oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho Iyo Soo Dhaweyn Loo Sameeyay

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa Maanta oo Arbaco ah dib ugu soo laabtay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, isagoo ka yimid dalka Turkiga oo dhaawac ahaa loogu qaaday markii hore.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Afhyeen Macalimuu kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Madaxda Warbaahinta, Suxufiyiin iyo xubno kale oo farabadan, kuwaasi oo siweyn u soo dhaweeyay Macalinka.

Macalimuu ayaa dhaawac ahaan loogu qaaday Turkiga, si xaaladdiisa Caafimaad loogu soo dabiibo, kadib markii 16-ka bishii Janaayo ee sanadkaan 2022 uu ku dhaawacmay Qarax Is-miidaamin ah oo lagula beegsaday meel ku dhow Isgoyska Dabka ee Muqdisho.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Macalimuu oo ka jabay gacan iyo lug ayaa laga daaweeyay dhaawacii kasoo gaaray qaraxii lala beegsaday oo firiro kale gaarsiiyay, isagoona muddo ku dhow laba bil ku jiray Isbitaal ku yaalla Magaalada Istanbuul.

Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ah Musharax u taagan kursi kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here