Weerar Khasaaro Dhaliyey Oo Ka Dhacay Masjid Ku Yaalla Degmada Afgooye

0
278

Weerar Khasaaro Dhaliyey Oo Ka Dhacay Masjid Ku Yaalla Degmada Afgooye

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dabley hubeysan oo xalay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ka geysatay gudaha Masaajid ku yaalla degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in weerarka uu ka dhex dhacay Masjidka Raqayle ee degmada Afgooye, xili lagu dilay Salaadii Cishaha ee xalay, isla markaana waxaa goobta durbadii ka baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday weerarka, halka saddex qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, waxaana la sheegay in qofka dhintay la toogtay, xili la wada Sujuud-sanyahay oo lagu jiray Salaadii Cishaha.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa loo soo qaaday dhanka Magaalada Muqdisho oo la dhigay mid kamid ah Isbitaalka ku yaalla Caasimadda, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibiyo, waxaana sidaas u sheegay warbaahinta qof ku sugan Afgooye.

Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka degmada ayaa xalay ilaa iyo saaka wada howlgalo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay weerarkii khasaaraha dhaliyey ee ka dhacay Masjidka Raqayle ee degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Si kastaba Afgooye ayaa waxaa horey uga dhacay dilal qorsheysan oo geysteen rag hubeysan, waxaana falalkaas lagu fuliyay dad isugu jiray Mas’uuliyiin, Ergo wax soo doortay, Askar Ciidan iyo dad kale, iyadoona dilalka ay sheegteen Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here