Mareykanka oo Xayiraad Safar kusoo rogay Madaxda Siyaasadda Soomaalida & Qoysaskooda!

0
400

Mareykanka oo Xayiraad Safar kusoo rogay Madaxda Siyaasadda Soomaalida & Qoysaskooda!

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Washington ay xayiraad kusoo rogtay Madaxda Siyaasadda Soomaaliya sabab ka dhalatay caqabad ku noqoshada Doorashooyinka & Xasiloonida Dalka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ma sheegin shakhsiyaadkaas magacyadooda, derajooda & inta ay la eg yihiin, balse waxaa bayaanka lagu muujiyay in ay ku jiraan madax xilal heysa iyo kuwa horay usoo noqday.

Xayiraadda Mareykanka ee dhinaca socdaalka ah sida ka muuqata waxaa lagu soo beegay sanadka dheeraadka ah ee u dhammaaday Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu ka idlaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Maanta oo ay ku beegan tahay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii uu dhammaaday muddo xileedkii madaxweynaha Soomaaliya, waxa aan ku dhawaaqayaa dhaqangelinta siyaasadda ku xusan qodobka 212 (A) (3) (C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadaha ee xaddidaya bixinta fiisaha mas’uuliyiinta hadda ama kuwii hore ee Soomaaliya ama shakhsiyaadka kale ee la aaminsan yahay in ay mas’uul ka yihiin ama ku hawlan yihiin, wiiqista geeddi-socodka Dimuqraadiyadda Soomaaliya oo ay ku jiraan rabshado ka dhan ah dibad-baxayaasha, xarigga aan cadaalad ahayn, cabsi gelinta suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka & wax isdaba-marinta habraaca doorashada” ayaa lagu yiri Warka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in hannaanka keliya lagu gaari karo nabad waarta oo ka dhalata Soomaaliya ay tahay in lasoo gabagabeeyo Doorashooyinka gacan adagna lagu qabto dadka caqabadda ku ah sida lagu xusay qoraalka.

Mareykanka ayaa ka digay in la hor istaago Doorashooyinka socda ee Soomaaliya, waxaana uu xoojiyay in la raaco habraacyada lagu ballamay in loo maro si jiitanka iyo caqabadaha Doorashadooyinka soo galay looga gudbo.

“Siyaasaddan ayaa lagu dhaqangelin doonaa shakhsiyaadka door ka qaatay habraac-xumada wiiqday hannaaka doroashada, kuwaas oo ka gaabiyay gudashada waajibaadkii ka saarnaa hirgalinta doorashooyin hufan oo wakhtigooda ku dhaca, geystayna caga jugleyn, xarig iyo tacadiyo ka dhan ah suxufiyiinta iyo xubnaha xisbiyada mucaaridka ah” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Xayiraaddaan ayaa sidoo kale saameyn taban ku leh qoysaska shakhsiyaadkan aan magacyadooda la shaacin, Washington ayaa ku baaqday in la dhaqangeliyo heshiiska Doorashada ee uu gaaray Golaha Wadatashiga Qaranka 9kii Janaayo oo dhigayay in lagu soo gabagabeeyo Doorashada 15ka Janaayo ilaa 25ka Febaraayo 2022.

“Hoggaamiyayaasha heer qaran iyo heer federaal ee Soomaaliya waa in ay fuliyaan ballan qaadkooda ahaa in lagu soo dhameystiro hannaanka doorasho hufan oo lagu lagu kalsoonaan karo ee baarlamaanka 25-ka Febraayo, taas oo sii adkeyneysa gundhigga dowladanimada Soomaaliya. Mareykanka waxa uu si xooggan u taageerayaa dadka Soomaaliyeed, waxaana naga go’an inaan ka wada shaqeyno horumarinta dimuqraadiyadda iyo barwaaqada labada dal” ayaa lagu soo gabagabeeyay Warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa dhowr jeer soosaartay cagajugleyn xooggan oo ku socota dhinacyada caqabadda ku ah Howlaha Geedi socodka gaar ahaan qabsoomidda Doorashooyinka oo lagu waday in sanad kahor lasoo gabagabeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here