RW Canada oo dibadbaxayaasha dalkiisa ka codsaday in ay dib ugu laabtaan guryahooda.

0
362

RW Canada oo dibadbaxayaasha dalkiisa ka codsaday in ay dib ugu laabtaan guryahooda.

Ra’iisul Wasaaraha Canada  Justin Trudeau ayaa dibadbaxyada kusii xoogeystay dalkiisa ku sifeeyay dhibaato dhaqaale, la socod la’aanta faafitaanka Covid-19 & halis kale oo ka dhalan karta dadka isusoo baxay.

Trudeau oo Warbaahinta Dowladda kala hadlay Shacabka dibadbaxa sameynaya waxa uu ka codsaday in ay dib ugu laabtaan guryahooda si looga hortago halista noocyada kala duwan ee Covid-19 loona furo goobaha ganacsi ee xiran.

Waxa uu tilmaamay in si joogta ah khasaare lixaad leh ay ula kulmayaan Ganacsatada leh goobaha albaabada la isugu dhuftay, sidaas awgeed waxa uu soo jeediyay in la raadiyo xal aanay ahayn in dibadbaxa uu sii socdo.

“Shakhsiyaad ayaa isku dayaya in ay xayiraan dhaqaaleena, dimoqraadiyadeena & Nolol maalmeedka muwaadiniinta, waa in la joojiyaa arrimahaas, Dadka Ottawa ma mudna in lagu dhibaateeyo marada Afka & sanka daboosha Face Mask oo ay u xirteen kahortagga Covid-19 loo beegsado si ay isaga furaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Canada.

Waxa uu Justin Trudeau sheegay in sababta loosoo rogay Bandowga salka u ah dibadbaxyada in ay tahay ka fakirka badqabka Shacabka si loo xakameeyo faafitaanka cudurkaan oo halis geliyay nolosha dad badan oo dunida kunool sida uu ku dooday.

Dibadbaxa oo markii hore ay bilaabeen wadayaasha Gaadiidka oo diidan in ay qasab ku qaataan tallaalka kahortagga Covid-19 waxaa ku biiray shakhsiyaad kale, waxaa xiran goobaha Ganacsiga, Dadka ayaa ku xayiran guryahooda halka siyaasiyiinta mucaaradka ay u ololeynayaan in la xoojiyo isusoo baxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here