Puntland:- Gudoomiye Amar Ku Bixiyay In La Toogto Qofkii Lagu Qabto Maandooriyaha Khamriga

0
452

Puntland:- Gudoomiye Amar Ku Bixiyay In La Toogto Qofkii Lagu Qabto Maandooriyaha Khamriga

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Musug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Sanyare ayaa sheegay inay ka maamul ahaan qaati ka taagan yihiin maandooriyaha khamriga oo siweyn loogu iibinayo meelo kamid ah Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo wuxuu sheegay in Khamriga ugu badan uu Gobolka Mudug kasoo galo dhinaca dowlad degaanka Soomalida Itoobiya, wuxuuna ku baaqay labada Shacab ee Gobolka Mudug & dowlad degaanka inay ka hortagaan khamrigaas.

Wuxuu uga digay dadka kunool degaannada Gobolka Mudug isticmaalka iyo ka Ganacsiga maandooriyaha Khamriga, isaga oo amray in la toogto qofkii lagu qabto khamriga.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ee ka arrimiya Magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay dagaal kula jiraan maandooriyaha khamriga, iyaga oo howlgallo ay sameeyeen ay gacanta ku dhigeen khamri farabadan iyo dad ka Ganacsanayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here