Qaybo Ka Mid Ah Ganacsiyada Suuqa Wayn Ee Bakaaraha Oo Maanta Xidhan Iyo Sababta

0
312

Qaybo Ka Mid Ah Ganacsiyada Suuqa Wayn Ee Bakaaraha Oo Maanta Xidhan Iyo Sababta

Waaxaa saakay xiran qeybo kamid ah ganacsiyada Suuqa ugu weeyn Soomaaliya ee loo yaqaan Suuqa Bakaaraha, Waxaana sida lashegay loo xiray kadib cadaadis Xoogan oo uga yimid ganacsatada Kooxda Daacish oo Amaro kusoo rogtay Ganacsiyadaasi.

Ganacsatada ayaa sheegay in ay jiraan culeesyo kaga yimid Shakhsiyaad sheeganayo Ururka Daacish oo ganacsatada ka dalbanaya in ay bixiyaan lacago faro badan taa oo ay shegeen in aysan bixin karin lacagahaasi.

Ganacsatada ayaa sidoo kale shegay in ay bixiyaan lacago ay siyaan Dowladda iyo Al-shabaab sidoo kalena aysan bixin karin lacag sedexaad oo intaasi dheer,

Mid kamid ahganacsatada ayaa KNN U usheegay in aysan jirin hanaan cad oo lagu garankaro iyo si loo fahmi karo kooxdan lacagta dalbayso kuwaa oo sheganaya in ay yihiin Daacish.

Maalmihii la soo dhaafay mid mid ayay u xirnayeen Ganacsiyadda Suuqa Bakaaraha, waxaan maalin ka hor qarax lala eegtay Mid kamid ah Shirkadaha soo dejiyo badeecadaha kala duwan, Iyadoona ay sidoo kale jiraan Shirkaddo gaar loo Lee yahay oo xiran amaro kasoo baxay Dacaaish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here