Mareykanka Oo Soo Saaray Digniin Ku Socota Dowladda Madaxweyne Putin

0
280

Mareykanka Oo Soo Saaray Digniin Ku Socota Dowladda Madaxweyne Putin

Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Wendy Sherman ayaa uga digtay Ruushka inuu kala doorto diblomaasiyad amaba iska hor imaad dhex mara Galbeedka.

Hadalkan ayay sheegtay kaddib wada hadallo dhex maray Nato iyo Ruushka, waana mid ka mid ah saddex kulan diblomaasiyadeed oo toddobaadkan dhacay loogana gol lahaa yareynta xiisadda Ukraine.

Ku xigeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Alexander Grushko ayaa isna sheegay in Nato ay awoodi weysay oggolaanshaha dalabaadka Moscow. Liiska dalabaadka waxaa ka mid ah in Ukraine aysan weligeed ku biiri karin Nato.

Ilaa 100,000 oo ciidamo Ruushka ka socda ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin meel u dhow xadka Ukraine, taas oo keentay cabsi laga qabo inay xoog ku galaan dalkaas.

Sherman ayaa mar kale ku celisay in Mareykanka iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah Nato aysan marnaba oggolaan doonin in codka diidmada qayaxan loo adeegsado Ukraine, iyadoo sheegtay in isbahaysiga militari uu ku dhaqmo siyaasadda albaabka furan. Hadafka ah inay Nato ku biirto wuxuu qeyb ka yahay dastuurka Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here