Khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta+SAWIRO

0
284

Khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Barta koontarool ee laga ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Isgoyska Importooriyo Ceel-gaab ee Magaalada Muqdisho.

 

 

Qaraxaas ayaa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu waday qof Is-miidaamiye ah, wuxuuna ku dhex qarxay gaadiid farabadan oo taagnaa Barta Koontarool ee laga ilaaliyo Villa, xili ay sugayeen hubinta gaadiidka.

 

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxa ay ku geeriyoodeen 7 ruux oo isugu jiray Askar iyo dad shacab ah oo ku sugnaa goobta xiligii uu qaraxu dhacayay, halka 5 qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Dadka dhaawacyada soo gaareen ayaa waxaa goobta looga daad-gureeyay gaadiidka gurmadka deg dega, isla markaana waxaa la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Muqdisho oo haatan lagu dabiibayo dhaawacyadooda.

 

Sawirro la soo qaaday ayaa muujiyay burbur gaaray gaadiidkii taagnaa Barta Koontarool iyo Mooto Bajaajyo mararay wadada Isgoyska Ceeb-gaabta, iyadoona dab xoogan uu qabsaday gaari nooca raaxada ah, hayeeshee gaadiidka dab demiska ay damiyeen dabka.

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku gadaamay aaga uu qaraxu ka dhacay, iyagoona xiray wadada, isla markaana waxaa halkaas loo ogyahay oo kaliya gaadiidka gurmadka sameeynayo iyo kuwa Booliska.

Illaa iyo hadda laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaliya ayaa faah faahin ka bixin khasaaraha ka dhashay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Isgoyska Importooriyo Ceel-gaab ee Magaalada Muqdisho oo geystay khasaaro kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here