Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Xaafada Islii Oo Kala Carar Uu Ka Dhacay

0
408

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Xaafada Islii Oo Kala Carar Uu Ka Dhacay

Khubrada bambaanooyinka ayaa maanta loo daagureeyay dhismo ku yaalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ka dib markii warqad hanjabaad ah looga dhex tagay wiishka dabaqyada lagu koro.

Dad aan la aqoon ayaa wiishka uga dhex tagay warqad ay ku qoranayd in walxaha qarxa uu ku jiro dhismaha Yare Plaza.

Taliyaha saldhigga booliiska Starehe Julius Kiragu ayaa sheegay in dhismahaasi loo diray khubarada bambaanooyiinka ku takhasusay si ay u baaraan.

Sida ay booliiska sheegeen warqada ayaa waxaa ku qornaa in bambaanadani ay xilli kasta qarxi karto.

Dhammaan dadkii ku sugnaa dhimaha Yare Plaza ayaa halkaasi laga daadgureeyay.

Ugu dambeyntii ciidanka booliska ayaa sheegay in warqadaasi uu dhejiyay qof waalan ama xanuunsan oo aysan ku jirin dabaq wax qarax ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here