Kalluumeysato ku geeriyootay xeebaha Jubbaland

0
283
Migrants wearing lifejackets on a rubber dinghy are pictured during a rescue operation by the MSF-SOS Mediterranee run Ocean Viking rescue ship, off the coast of Libya in the Mediterranean Sea, February 18, 2020. Picture taken February 18, 2020. Hannah Wallace Bowman/MSF/Handout via REUTERS ATTENTION EDITORS - THIS PICTURE WAS PROVIDED BY A THIRD PARTY

Kalluumeysato ku geeriyootay xeebaha Jubbaland

Wararka ka imanaya Jubbaland ayaa sheegaya in illaa shan kalluumeeysato ah ayaa ku geeriyoodeen xeebaha Gobolka Jubada Hoose.

Kalluumeysatadan ayaa la sheegay inay dhinteen kadib markii ay dooni ay saarnaayeen ay dabeylo ku dhufatay kadibna ay degtey.

Maamulka Jubbaland ayaa uga digey kalluumeysada inaysan gelin badda sidoo kalana dadka aysan u dhawaan illaa afar boqol oo mitir xeebta.

Badda oo kacsan awgeed ayaa hirarka badda waxa ay gaareen guryo ku dhow xeebta taasoo burbur u geysatay qaar ka mid ah guryo ku yaal xaafada Calanley ee magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here