Wasiir ka tirsanaa PUNTLAND oo ku geeriyooday Garoowe

0
354

Wasiir ka tirsanaa PUNTLAND oo ku geeriyooday Garoowe

Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa saaka ku geeriyooday Allaha u naxariistee wasiir ku xigeenkii wasaaradda howlaha guud & gaadiidka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Marxuum Asad Xuseen Xaashi.

Wararka ayaa sheegaya in Marxuumka oo xanuunsanaa saddexdii maalimood ee la soo dhaafay uu u geeriyooday cudurka saf-marka ah Covid-19 oo soo kacleeyey markii 3-aad.

Geerida ku timid marxuumka ayaa waxa ka tacsiyeeyey madaxda sare ee Puntland oo uu ugu horreeyo madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni, waxaana qoraal kasoo baxay xafiiskiisa dhambaal tacsi ah loogu diray ehellada wasiirka geeriyooday & guud ahaan reer Puntland.

“Waxaan dhammaan ummada Soomaaliyeed, Shacabweynaha Puntland iyo Golaha Xukuumadda Puntland, uga Tacsiyeeynaya geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada.

Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay Marxuum Asad Xuseen uu ahaa mas’uul soo qabtay xilal ka duwan, isla-markaana u soo shaqeeyey dalkiisa iyo dadkiisa.

“Marxuumku waxa uu ahaa masuul usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, waxaana alle uga baryaya inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay” ayuu sii raaciyey Deni.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here