Alshabaab Oo Goob Fagaare Ah Dad Ku Toogatay Iyo Tirada Dadka Toogashada Lagu Fuliyay

0
376

Alshabaab Oo Goob Fagaare Ah Dad Ku Toogatay Iyo Tirada Dadka Toogashada Lagu Fuliyay
Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaal degmada Kamsuuma oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose waxaa ay ku toogteen Saddex Ruux oo ay sheegeen inay ahaayeen askar ka tirsan Ciidanka dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland

Goobta toogashada ayaa waxaa ku sugnaa dadweyne ka kala yimid Xaafadaha degmada Kabsuumo, kuwaas oo ay Al-Shabaab ku amreen inay daawadaan sida ay u dhaceyso toogashada.

Saddexda Ruux ee Al-Shabaab ku sheegeen inay ahaayeen askar fagaarahana lagu toogtay ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Bashiir Cabdow Cali & Maadeey Cali Maamow oo ka tirsanaa Ciidanka Millateriga Soomaaliya iyo Cabdirashiid Shukri Sheekh Cabdi oo ka tirsanaa Ciidanka Jubbaland.

Ragga Al-Shabaab ay toogashada ku fuliyeen oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayay sheegeen inay kusoo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay fagaarayaal ku yaal degaannada ay maamulaan ku toogteen dad ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen dowladda Soomaaliya, dowlad Goboleedyada dalka kajira iyo dowladaha taageerada siiya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here