Midowga Musharixiinta Oo Ka Shiray Khilaaf La Sheegayo In Uu Soo Kala Dhex Galay Farmaajo Iyo Raysal Wasaare Rooble

0
323

Midowga Musharixiinta Oo Ka Shiray Khilaaf La Sheegayo In Uu Soo Kala Dhex Galay Farmaajo Iyo Raysal Wasaare Rooble

Shir ay aalada fogaan araga ku yeesheen xubno ka tirsan midawga musharixiinta ayay aad uga hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan khilaafka Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Wararka kulanka aan ka helnay ayaa sheegaya in Midowga Musharixiinta ay hor yimaadeen doorashadii guddiga garabka RW kuxigeenka Mahdi Guuleed ay isku doorteen magaalada Muqdisho.

Ridwaan Xersi Maxamed oo kamid ah Xubnaha hoggaanka Midowga Musharixiinta ayaa sheegay inay kulanka ku taagreen Go’aanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo dardar gelinta howlaha doorashooyinka iyo heshiisyada hay’adaha dawladdu galayaan gudo iyo dibadba.

Habeen ka hor Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo ayaa soo saaray qoraal uu Hay’adaha dowladda kaga joojinayo inay heshiisyo galaan, hayeeshee shalay gelinkii dambe Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu kasoo horjeestay qoraalkaas lana sheegay in Xukuunadda ay awood u leedahay heshiisyo kasto oo aan dalka waxba u dhimeyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here