Puntland Oo Digniin u Dirtay Shaqaalaha Ajaanibta Ah Ee Ku Sugan Degaannadeeda

0
324

Puntland Oo Digniin u Dirtay Shaqaalaha Ajaanibta Ah Ee Ku Sugan Degaannadeeda

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Puntland Xasan Shire Abgaalow ayaa sheegay in sharciga ay horgeyn doonaan dadka Ajaanibta ah ee diida bixinta Canshuuraha ku waajiba mushaaraadkooda .

Waxa uu sheegay in uu jiro nidaam Canshuur qaadis oo ay sameyeen balse ay jiraan shaqsiyaad si ula kac ah u diidan in ay bixiyaan Canshuurta lagu leeyahay ganacsiyadooda iyo mushaaraadka ay qaataan kuwa ajaanibta ah balse hadda ay hirgashay qaadista Canshuurta qofka diidana uu yahay dambiile .

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Puntland Xasan Shire Abgaalow waxaa uu sheegay in Canshuuraadka ay k aqaadan goobaha ganacsiga ,guryaha , gaadiidka iyoshaqaalaha ajaaniibta ah taasna ay rabaan in ay ka hirgaliyaan dhamaan deegaanada Puntland .

Marar badan ayaa maamulka Puntaland waxa uu digniino kala duwan u diray shaqaalaha ajaaniibta ah ee ku sugan deeganada Maamulkaasi ee diida bixinta Canshuuraha kuwaajibay mushaaraadkooda .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here